Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay gurmad u dirayso Turkiga

by admin | Thursday, Feb 16, 2023 | 222 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi qaran oo ka shaqayndoona gurmadka Dhul Gariirka  Turkiga.

Guddigan ayuu raysal wasaaruhu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin shacabka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in aysan ka harin dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed garab istaagga caalamiga ee loo fidinayo dalka Turkiga oo ay ku habsatay musiibo ballaaran.

In ka badan 35,000 ayaa ku geeriyooday dhul gariir dhacay dalka Turkiga iyo qeybo kamid dalka Siiriya waa mid kamid ah dhul gariirkii ugu dhimashada badnaa ee dalkaas ka dhaca.

Weli saamayntiisii ayaa ka taagan dalka Turkiga, iyadoo uu geystay burbur xoogan.

Raysal wasaare Xamse ayaa xubnaha hoos ku xusan u magacaabay in ay isku xiraan gurmadka Soomaaliya ay u direyso dalka Turkiga.

1. Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka. Xasan Macallin Maxamuud

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U Heshiisiinta — Mudane Axmed Macallin Fiqi

3. Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare —  Faarax Sheekh Cabdulqaadir

4. Sheekh Bashiir Axmed Salaad

5. Sheekh Cabdulqaadir Soomow

6. Suldaan Cabdiqani Qorane

7. Cumar Xasan Maxamed

8. Axmed Maxamuud Yuusuf

9. Axmed Shirwac Maxamed

10. Duniya Maxamed Cali

11. Prof. Xuseen limaan

Like it? Share it!

Leave A Response