Laba arrin xasaasi ah oo midkood ku dambeyn doonto xiisadda Laascaanood

by admin | Thursday, Feb 16, 2023 | 218 views

Laascaanood weli colaad ayaa ka taagan, Somaliland waxaa lagu eedeynaya duqeymo xiriir ah oo si weyn u waxyeeleyay dad shacab ah, goobo caafimaad iyo kuwo cibaado.

Xabad joojin ay dooratay Hargeysa ayaa dhaqan-gelin, iyada oo dhinaca dadka deegaanka u arkeen xabad-joontaas mid la rabo in lagu dumiyo ruuxiyada dagaalka, lana rabo in lagu kala furfuro midnimadooda.

Weli halkaas laguma kala bixin, labada dhinac midna ma haysato natiijo wax ku ool ah. Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa weli sii kordhaya.

Baaqyada la xiriira nabada ayaa weli loo joogsan, laakiin su’aasha ay dad badan isweydiinaya waxay tahay maxaa ku xiran natiijada ka imaan doonta dagaalka Laascaanood.

Waxaa ku bilaabeyna haddii ay adkaadan dadka deegaanka.

Haddii ay adkaadan reer Laascaanood oo Somaliland si buuxda looga gacan bixiyo magaaladaas iyo deegaanada kale ee beeshaasi degto. Waxaa halkaas si weyn ugu dhawaacmi doona mashruuci gooni isku taagga.

Somaliland xiisadan tijaabo weyn ayay u aragtaa, haddii ay reer Laascaanood adkaadan wax weyn ayaa u siyaadaya dadka midnimo doonta ah ee Soomaaliyeed.

Balse haddii dhinaca kale adkaato Somaliland, mashruucii gooni isu-taagga waa sii xoogeysan karaa, waxa kale oo adkaan doonta in deegaano kale ku dhiiradaan inay Somaliland ka horyimaadan ama gooni isu-taagga diidaan.

Sidoo kale Muuse Biixi Cabdi ayaa natiijada dagaalkan siin kartaa maalmo dheeri ah oo xafiiska uu kusii joogo.

Maadaama uu dagaalkan tijaabo u yahay laba qadiyadood oo waaweyn oo ah Midnimo Soomaaliyeed iyo mid ay reer Somaliland qaarkood rabaan oo ah gooni isu-taag, farriintu waxay tahay maxaa loo huri doona dagaalkan.

Like it? Share it!

Leave A Response