Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay rabashadaha ka socda Koonfur Afrika

by admin | Wednesday, Jul 14, 2021 | 295 views

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujisay banaanbaxyada & rabashadaha ka socda Magaalooyin ka tirsan Koonfur Afrika, kuwaas oo saameeyay Soomaalida Ganacsi ahaan  u joogta dalkaas.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaalagu sheegay in ay dowladda Soomaliya aad uga xun tahay Afarta qof ee Soomaalida ah ee rabshadahaas lagu dilay, sidoo kale dhaca loo geystay

“ Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda qoto dheer oo ku saabsan rabshadihii iyo bililiqadii ay ku dhinteen afar qof oo Soomaali ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen iyo dukaankooda oo ay dhac ka geysteen tuugo hubaysan meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika 72dii saacadood ee la soo dhaafay ayaa lagu yiqi qoraalka” Dowladda Soomaliya.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ugu baaqday inay muujiso dadaal xoogan  si loo ilaaliyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo jeeda falalka arxan darrada ah, si loo hubiyo badbaadada noloshooda, dukaamadooda iyo ilaalinta xuquuqdooda.

“ Soomaaliya waxay ku faantaa cilaaqaadka taariikhiga ah oo ay la leedahay dadka Koonfur Afrika xilliyadii halganka ay kala soo horjeedeen midab kala sooca iyo heerka ay gaarsiisan tahay siyaasada, dhaqaalaha iyo taageero istiraatiiji ah oo ay bixisay in muddo ah ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoraalka dowladda Soomaaliya.

Dalka koonfur Afrika ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socda banaanbaxyo iyo rabshado ay sameeynayaan taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, waxaana rabshadahaas lagu dilay Afar qof oo Fanacsato Soomaali ah, halka kuwo kale hantidooda la boobay.

Like it? Share it!

Leave A Response