Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo

by admin | Wednesday, Jul 14, 2021 | 267 views

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u hoggaaminayeen Taliye ku xigeenka Qeybta Booliiska Gobolka Mudug Gaashaanle Maxamed Mire iyo Taliyaha Saldhigga Degmada Gaalkacyo Kaptan Cali Xirsi Sahal ayaa ujeedkiisu ahaa Xaqiijinta Amniga Magaalada iyo ka hortagga falalka amniga liddiga ku ah sida ladagaalanka Maandooriyaha Khamriga iyo Al-Shabaab.

Ciidamada oo baro Koontorool ka sameystay Isgoysyada magaalada Gaalkacyo ayaa baaritaano ku sameeyay gaadiidka nuucyadiisa kala duwan iyo dad weynaha isticmaalaya.

Bulshadaku nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug qaarkood ayaa soo dhaweeyey howlgalkaan iyagoo sheegey inuu kusoo aaday waqti loo baahnaa maadaama falal amni darro ay ka dhaceen Magaalada.

Taliyaasha Howlgalka hor kacayay Kaptan Cali Xirsi Sahal iyo Gaashaanle Maxamed Mire oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedka looga golleeyahay howlgalka, iyagoo bulshada magaalada Gaalkacyo ugu baaqay inay Ciidamada kala shaqeeyaan Cirib tirka Al-Shabaab iyo kuwa ka ganacsada maandooriyaha Khamriga ama isticmaala.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka socdo Koonfurta Gobolka Mudug, kaas oo ay wadaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response