Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Baay oo xilka loo dhaariyay

by admin | Tuesday, Jul 13, 2021 | 266 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo kaga qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Gudoomiyaha Cusub Maamulka Gobolka Baay.

Mudane Cumar Balash Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Baay ayaa Madaxweyne Cabdi Casiis lafatagareen waxaa uu 3-dii Bishaan July uu u Magacaabay xilkaas, isla markaana loo dhaariyay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Baay uu yahay aqoonyahan kasoo bixi kara Shaqooyinka horyaalla.

Waxaa uu sheegay in mas’uuliyad ay ka saaran amniga iyo horumarinta degaannada Gobolka Baay oo dhibaatooyin kala duwan ay kajiraan, waxaana uu ugu baaqay Maamulada degmooyimka inay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolla Baay

Like it? Share it!

Leave A Response