Dowladda Soomaliya oo siideysay Taliyihii hore ee Ciidanka DANAB oo xirnaa

by admin | Thursday, Dec 10, 2020 | 365 views

War-Saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Taliska Ciidamada Xoogga Dalka uu ku eedeeyay wax is daba Marin “Musuq” iyo Isticmaalka Awood dheeri ah oo uusan la ogeyn Taliska sida Ku tagrifal Hub cadowga laga soo furtay taliyihii Ciidanka DANAB  ee xilka qaadista lagu sameeyay.

Gen. Odowa Yuusuf Raage ayaa shaqa joonin ku sameeyay September Sideedii Sanadkan Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, Sidoo kale Taliska  ayaa Ismaaciil ku xanibay Xarunta  Militeriga ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Bartimihii October ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Eed ka dhan ah Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik taliyihii hore ee Danab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo Awood u leh dhaqaajinta Dacwadaha ayaa Gal Dacwadeed Gaashaanle Ismaaciil kala wareegay Hogaanka Baarista Military-ga, waxaana xilligaas loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Xamar Gar-suge ahaan.

Horgeyn kadib 25-kii November ayaa la dhageystay Eeda ka dhanka ah Ismaaciil, Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada Xoogga Dalka oo kamid ah Markhaatiyaashii ay Xeer Ilaalinta la timid ayaa Qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu ku yaqiinay intii uu Hogaanka Danab hayay Asluub wanaag.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa  dalbaday in dib loo dhigo Dacwadda maadaama aysan dhameystirneen duruufa jira Darteed Maragyada ku xusan Gal Dacwadeedka Sarkaalkan.

Lixdii December bishan ayaa la dhageystay Afar markhaati oo ay Ismaaciil shaqa wadaag ahaayeen mana jirin qof Ka markhaati kacay xattooyo xoolo Dadweyne.

Abuukatayaasha u dooday Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa ku fasiray Isticmaalka Awoodda ee ku xusan Galka in ay aheyd Masuuliyad ay ka gaabiyeen Taliska balse Ismaaciil uu ku dhiiraday dhisidda  Moralka Ciidamada iyo Caafimaadkooda, waxa ayna Garsoorka Ciidamada ka dalbadeen in lagu abaal mariyo howshii qaran ee uu gutay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna Sidoo kale qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqa wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday laakiin uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn Amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Taliyihii Danab hadii aysan jirin Dambiya kale oo loo haysto.

Like it? Share it!

Leave A Response