Duqeyn kadhacday gobolka Hiiraan iyo faahfaahino kala duwan oo kasoo baxay duqeyntaas

by admin | Sunday, Apr 14, 2024 | 23 views

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo xalay kadhacay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, duqeyntan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in lala beegsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jicibow oo qiyaastii 20 KM ujirta degmada Buuloburde oo gobolkaasi.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa waxa ay Warbaahinta usheegeen in ay maqlayeen gantaalada ay ridayaan diyaaradaha, lakiin aysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda oo kahadlay weerarkan duqeynta ah ayaa waxa ay sheegeen in lagu dilay tiro Al-Shabaab ah oo hoggaamiyeyaal ah oo kusugnaa goobta ay duqeynta kadhacday, balse ma aysan sheegin tirada saxda ah ee lagu dilay weerarkaas iyo magacyadooda.

Saraakiisha waxa ay intaas kudareen in duqeynta lagu bur-buriya fariisamo ay Al-Shabaab kulahaayeen deegaanka Jicibow, sidoo kalana lagu gubay gadiid iyo hub.

Majiro ilaa hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas oo ay dowladda guul kasheegatay.

Ugudambeyn, xaalada deegaanka Jicibow ayaa haatan ah mid aad ukacsan, iyadoona qeybo kamid halkaas laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Like it? Share it!

Leave A Response