Faafaahin: Al-Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen deegaan ay ku sugnaayeen Ciidanka Jubaland

by admin | Wednesday, Mar 11, 2020 | 881 views

Deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa maalmahaan ka jiray dagaalo u dhaxeeya Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo Xubno ka irsan ururka Al-Shabaab,kuwaas oo isku bed bedelay gacan ku heynta deegaankaas.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose ka dhacay dagaalo dhowr ah oo u dhaxeeyey Ciidanka Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana dagaaladaas ay saameyn ku yeesheen dadka Shacabka ah.

Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in deegaankaas oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada Jubbaland ay dagaal kula wareegeen,kadib markii Ciidamada Jubbaland ay isaga baxeen waa sida ay hadalka u dhigeen.

Qoraal lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkii dhacay ay ku dhaawacmeen Saddex Askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland,sidoo kale ay ku qabsadeen Hub iyo Agabyo kale oo ay lahaayeen Ciidanka jubbaland.

Si kastaba saraakiisha Ciidanka Dowlad goboleedka Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose weli kama hadlin warkaan kasoo yeeray Al-Shabaab ee ku aadan in ay la wareegeen deegaanka Diif oo ku yaalla Xadka Soomaaliya iyo Kenya ee dhinaca gobolka Jubbada Hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response