Faafaahin: Ciidanka Jabuuti iyo Al-shabab oo xalay ku dagaallamay Jalalaqsi.

by admin | Sunday, Aug 5, 2018 | 1091 views

Degmada Jalalqasi ee Gobolka Hiiraan   waxaa  ka dhacay  dagaal  u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Jabuuti ee ku jira AMISOM oo kaashanaya kuwa degaanka iyo Al-shabaab ay xalay ku dagaallameen degaankaas.

Ugu yaraan hal Askari oo ka mid ahaa Ciidamada degaanka ayaa la sheegayaa in uu ku geeriyooday dagaalka kooban ee dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya oo dhinaca ah iyo Al-shabaab.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka oo muddo kooban socday ay aad u maqlayeen Rasaasta la isku ridayay.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti ayaa kaddib howlgal ka billaabay degaanka iyada oo aanay jirin ilaa hadda cid ay u soo qabteen weerarkii xalay ka dhacay Jalalaqsi

Like it? Share it!

Leave A Response