Faafaahin: Qarax ka dhacay Gaalkacyo & Faah faahin kasoo baxeysa

by admin | Sunday, Apr 5, 2020 | 568 views

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Waqooyiga Magaaladaas uu Maanta ka dhacay qarax khasaaro kala duwan geystay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid gaarigiisa loogu dhejiyey Masuul ka tirsan Waaxda Canshuuraha Wasaaaradda Maaliyadda Puntland oo lagu magacaabo Cabdi-Gube,kaas oo la sheegay in uu dhaawac soo gaarey.

Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in la geeyey dhaawaca mas’uulka ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland,waxaana sidoo kale la sheegay in burbur xoogan uu soo gaarey gaarigiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa gaarey halka uu qaraxa ka dhacay,iyaga oo sameeyey howgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey qaraxaas walow weli aan dad loo qaban.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu amniga wanaagsan gobolka Mudug,in kastoo mararka qaar ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal loo geysto mas’uuliyiin iyo Askar.

Like it? Share it!

Leave A Response