faafaahin:Dilal ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho & Beledweyne

by admin | Tuesday, Jun 22, 2021 | 278 views

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa agagaarka Aargada Dayniile waxaa ay xalay ku dileen Gudoomiyihii Waaxda Kurdamac ee Degmada Dayniile Cabdi Cabdulle Cismaan oo loo yaqaan (Cabdi Juge).
Gobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga hubeysnaa ay dhowr xabadood qeybaha sare ee jirkiisa uga dhufteen halkaasna uu ku geeriyooday Gudoomiyihii Waaxda Kurdamac Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

War kasoo baxay Maamulka degmada Deeyniile ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka degmada ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah raggii dilka geystay oo dhaawac ah, xilli uu doonayay in uu baxsado.
Dhinaca kale Dableey hubeeysan ayaa isla xalay xaafadda Xaawa-taako ee magaalada Beledweyne ku dishay guddoomiyihi Dhallinyarada Gobolka Hiiraan Faarax Cabdi (Cali Faarax Diir).
Xilliga la dilayay Guddoomiyaha ayaa waxaa uu ku sugnaa Goob maqaaxi ah oo ay dad badan ku sugnayeen, waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in sidoo kale Kooxaha hubeysan ay dhaawaceen Saddex Ruux oo kale oo la joogay.
Ciidamada ammaanka magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay dilka kadib sameeyeen howlgallo kala duwan, wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.
Inta badan magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Dowlad Goboleedyada, Askar iyo Shacab intaba, waxaana mas’uuliyada dilalkaas intooda badan sheegta Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response