faafaahin:Labo dhalinyaro oo ku geeriyootay bada Hobyo

by admin | Friday, Jan 22, 2021 | 296 views

Wararka ka imaanaya degmo Xeebeedka Hobyo ayaa kusoo waramaya In Badda Hobyo ay maantay ku dhinteen Labo dhalinyaro ah, kuwaas oo u dabaal tagay xeebta Madaama ay maantay ahayd maalin Jimco ah.

Labada dhalinyarada ayaa lagu magacabaa Cabdirisaaq Cali cawil iyo Abshir Xasan.

Marxuumiinta ayaa la sheegey inay laqdeen biyaha Badda oo aad u kacsanaa isla markaana Hirar badan samaynayay.

Badda Hobyo oo mid ka duwan xeebaha Soomaaliya marka loo eego Joogga iyo Gu ta biyaha oo aad u dheer ayaa inta badan waxaa ku badan kacsananta Hirarka taas oo sababta dhimashada kalluumaysatada iyo Dadka U Dabaal Taga.

Like it? Share it!

Leave A Response