Faah faahin:-Dilal ka dhacay Magalada Muqdisho

by admin | Thursday, May 23, 2019 | 617 views

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waxaa qeybo ka mid ah degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir,waxaa la sheegay inay ku dileen laba qof oo Shacab ahaa ,kadibna ay durba goobta ka baxsadeen.Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in rag ku hubeysan bustoolado ay agagaarka Daarta Xaaji gaabow ee degmada Dharleenleey ku dileen Laba Ruux oo wada socday,iyagaoo rasaasta kaga dhuftay qeybaha sare ee jirkooda taas oo keentay in isla goobta ay ku geeriyoodaan.Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada qof ee degmada Dharkeenley lagu dilay ay ahaayeen Ganacsato siweyn looga yaqaano degmadaas.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya,hayeeshee aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka labada ruux ee la sheegay inay ganacsato ahaayeen.

Maamulka degmada Dharkeenleey iyo taliska Booliska degmadaas weli kama hadlin dilka labada Ruux,hayeeshee maalmihii la soo dhaafay ayaa degmada Dharkeenleey waxaa kusoo batay falalka la xiriira amnidarrada,iyada oo todobaadyadii la soo dhaafay ay dilal ka dhaceen.

Like it? Share it!

Leave A Response