Madaxweynaha Puntland oo weli kulamo ka wada Gaalkacyo

by admin | Thursday, May 23, 2019 | 688 views

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay Martiqaad Afur iyo Casho sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye oo kamid ahayd Aas-aasayaashii Puntland ayaa martiqaadkan samaysay, waxaana ay Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa u guud martay marxaladihii kala duwanaa ee dhismaha Puntland ay soo martay, waxay bogaadisay doorka saliim ka ah ee Xukuumadda TAYAYN IYO TIIGSI ku doonayso horumarinta dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa mahad balaaran u jeediyey Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland Murwo Caasho Geelle Diiriye oo wafdiga Madaxweynaha ku maamuustay Afur iyo Casho sharaf.

Waxaan u mahadnaqayaa Caasho Geelle oo gurigeeda Caawa ani iyo Wafdigayga nagu marti qaaday cunto aad u macaan iyo jawi qurux badan aad ayaad ugu mahad santahay martiqaadkaaga aadka u wanaagsan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni oo ka hadlay doorka dhallinyarada ee horumarinta dalka ayaa tibaaxay in dhallinta Puntland hormuud u tahay horumarka dhanwalba ee Puntland gaartay, waxaana uu xaqiijiyey in Puntland ahmid gaara siinayso dhallinyarada, sidii ay horeba usiisay.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka gobolka Mudug Kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan talaabo walba oo gobolkoodu ku noqonkaro mid xasiloon,, mid nabad ah, mid horumaray iyo mid ay shacabkiisu halbeeg u yahay wadajirka.

Like it? Share it!

Leave A Response