Faah Faahin: Duqeymo ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe

by admin | Monday, Aug 26, 2019 | 851 views

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa xalay duqeymo culus la eegtay Jilib, Saakow, Bu’aale iyo Salagle oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobalka Jubbada Dhexe, halkaasoo ay gacanta ku heyso Kooxda Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan, Duqeynta oo daqiiqado yar yar ay u dhexeysay, iyadoo meelaha qaarna laga maqlayay dagaal toos ah oo weerarada dhinaca cirka ah daba socday.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ee gulufta ka wada deegaanada Jubbaland ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in degmada Bu’aale gantaalada lala beegsaday ay ku dheceen Saldhigyo Shabaab ay leeyihiin.

Duqeynta ka dhacday degmada Jilib ayaa lagu soo waramayaa in iyadana lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen, kuwaasoo ku sii jeeday gobolka Sh/Hoose oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab

Saraakiisha Ciidamada Milateriga ayaa sheegaya in Weerarka ka dhacay degmada Jilib uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Shabaab lagu gaarsiiyay weeraraadii is xig xigay ee xalay ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe, inkastoo aan weli jirin warar madax banaan oo si rasmi ah u xaqiijin kara.

Lama oga wali khasaaraha ka dhashay iyo meelaha lagu beegsaday duqeymaha ka dhacay Saakowiyo Salagle, iyadoo durba meelaha la beegsaday ay isku hareereeyeen Al-Shabaab.

Si kastaba, Ma jiro wax war ah oo Al-Shabaab iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom ay ka soo saareen weerarada dhinaca cirka ah ee xalay ka dhacay Jilib, Saakow, Bu’aale iyo Salagle, iyadoo Shabaabku saaka howlgallo xooggan ay ka sameeyeen aagga lagu weeraray.

Like it? Share it!

Leave A Response