Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka magaalada Gaarisa ee dalka Kenya

by admin | Tuesday, Jul 11, 2023 | 129 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ku dhexmaray duuleedka magaalada magaalada Gaariga ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya iyo Ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay kolanyo ka tirsan ciidanka Kenya ku qaadeen weerar jidgal ah oo qarax ku bilaawday, xili ay marayeen inta u dhaxeeysa deegaanada Calin Jugur iyo Weel mareer oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Gaarisa.

Qaraxa kadib ayaa la tilmaamay in dagaal xoogan uu halkaasi ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka Kenya, hayeeshee lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in qaraxa uu qabsaday mid ka mid ah kolanyada gadiidka ay wateen ciidanka Kenya.

War qoraal ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku daabacday baraha ay ku leedahay Internetka ayay ku sheegteen in weerarka iyo qaraxa ku gubeen laba Gaari oo kala ah Cabdi Bille iyo Booyad ay wateen Ciidamada Kenya, in kastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Ururka Al-Shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Kenya oo ku aadan weerarka jidgalka ah ee lala beegsaday kolanyada ka tirsan ciidanka dalkaas.

Weerarada Al-shabaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa saameyn ku yeeshay qorshe dowladda Kenya ay ku dooneysay iney dib u furto xad beenaadka ay la wadaagto dalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response