Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay khilaafyada siyaasadeed ee jira

by admin | Tuesday, Jul 11, 2023 | 113 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay khilaafyada siyaasadeed ee ka jira dalka oo qaarkood sababay in dagaalo ka hadal ah ay ka dhacaan magaalooyin ka tirsan dolwad Goboleedyada.

Ra’iisl Wasaare Xamse oo ka hadlaayay Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaado iyo in xalka siyaasadda lagu raadiyo qori iyo qabyaalad.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku baaqay in la iska kaashado sidii loo dhammeyn lahaa khilaafaadka ka taagan Gedo, Puntland, Hiiraan, Laasacaanood iyo Koonfur-galbeed, iyadoo uu xusay in doorka ugu muhiimsan ee nabadda ay leeyihiin Odeyaasha dhaqanka oo soo samatabixiyey dalka, xilliyadii burburka.

Gaba-gabadii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka muddo 63 sanno ah waxa halkaas dhigay ay yihiin eex, Musuq iyo Siyaasadda qaloocan, haddana ay dowladdu waddo dadaallo xooggan oo lagu ciribtirayo musuqmaasuqa iyo maamul xumida.

Like it? Share it!

Leave A Response