Ganacsatada Kalluunka Boosaaso oo Bannaanbax dhigay kadib markii ay waayeen meel ay ku ganacsadaan

by admin | Monday, Jul 10, 2023 | 104 views

Magaalada Boosaaso ee xaruunta gobolka Bari ee Puntland, ayaa saaka waxaa ka dhacay bannaanbax ay dhigeen ganacsatada kalluunka oo ka cabanaya in laga xiray suuqii kallunka laguna wargeliyay in la iibsaday.

Qaar ka mid ah ganacsatada kalluunka keena suuqa hadda xiran ayaa BBC-da u sheegay in ay saaka daadiyeen kalluun tiro badan maadama ay waayeen meel ay geeyaan isla markaana uu safar soo ahaa saacado badan lagana keenay deegaanno fogfog.

Muuqaalo iyo sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay shaacbkaasi oo gacmaha ku sita kalluun badan, isla markaasna ku qaylinaya inay waayeen meel ay ku iibiyaan.

Suuqa kalluunka Boosaaso, oo ah kan ugu weyn Puntland, ayaa waxaa ku ganacsan jiray boqollaal ka mid ah dadweynaha magaaladaasi kuwaas oo nolashooda ka soo saaran jiray.

Maamulka Puntland ilaa iyo hadda kama hadlin arrinta suuqa iyo cabashada dadweynaha

Like it? Share it!

Leave A Response