Farmaajo, Cumar Filish & Madaxda Saddex dowlad Goboleed oo gaaray Xarunta Shirka

by admin | Monday, Mar 22, 2021 | 314 views

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Carmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinga & Madwxweymayaasha Galmudug, Hir-Shabeelle iuo Koonfur Galbeed oo tegay Teendhada lagu wado in uu dhawaan ka furmo shirka.

Hayeeshee waxaa Goobta shirka ka maqan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Deni iyo Axmed Madoobe aysan kasoo qeybgali doonin shirka oo uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Carmaajo.

Amniga Xerada Afisiyooni ayaa aad loo adkeehay, waxaana socda dadaalo ay wadaan Xubnaha Beesha Caalamka ee ku aadan in shirka ay tagaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response