Farmaajo oo ku jeesjeesay Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay

by admin | Tuesday, Jan 15, 2019 | 1366 views

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weerar Afka ah ku qaaday ku dhawaad 90 Xildhibaan oo Mooshin ka keenay dhamaadkii Sanadkii tagay ee 2018-ka.

Madaxweynaha Soomalaiya ayaa sheegay in markuu maqlay Mooshinka in uu wacay Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana uu wax ka weydiiyay sidda ay wax jiraan.

Farmaajo ayaa xusay in Xildhibaanada Mooshinka ka keenay ay ahaayeen kuwo ka haray dowladdii Qabyo ee uu hoggaamin jiray Xasan Sheekh Maxamuud, islamarkaana ay doonaayeen in ay soo celiyaan sharafta Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadal u muuqday bahdilaad u jeediyay Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay waxaana uu sheegay in xitaa aysan Taariikhda ku qorin Mooshinka ay ka keeneen

Like it? Share it!

Leave A Response