Farmaajo oo Maanta la kulmaya Amiirka dalka Qatar

by admin | Tuesday, Nov 30, 2021 | 387 views

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay gaaray dalka Qatar ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo aocda uu la kulmo Amiirka dalkaasi Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Qatar uga qeyb geli doona furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu  la qaadan doono hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta.

Like it? Share it!

Leave A Response