Feysal Cali Waraabe ‘oo ka quustay’ aqoonsi ay hesho Somaliland, hal sabab darteed

by admin | Monday, Mar 29, 2021 | 292 views

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa quus ka muujiyay aqoonsi ay hesho Somaliland, isagoona sababtaasi ku sheegay inay tahay maamul xumi ballaaran oo xilligaan haysata Somaliland.
Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay in aqoonsi la’aanta iyo in xuduudaha ay ka gudbi waayaan ay ku timid aqoon xumi, isagoo ku eedeeyay madaxweynaha xilka haaya ee Muuse Biixi in uu xirxiray dadkii ka fikirka duwanaa iyo murashaxiintii xisbiyada kale ee xukuumaddiisa kasoo horjeeday.
Guddoomiye Feysal ayaa carabka ku adkeeyey in Madaxweyne Muuse Biixi uusan Somaliland sii maamuli karin.
“Waxa maanta halkaan na dhigay ee xuduudihii gaari weynay, waa hoggaan xumo, ka fiirsada markaad wax coddeyneysaan, qabiil ha eeginee qofka hagaagsan oo wax qabanayo, caqli leh, iimaan leh ee ummada isku wadi kara ayaa la doortaa, hadaad mid jabhad sameyn kari waayay cod siisaan, hadde maanta dalkii waa beylah waa kaa,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Waxuu intaas ku sii daray, “Afweyne Dikteeter buu ahaa, waxbuu socod siin jiray, laakiin kani wax uu socod siin karo iska daaye, waxba ma qaban karo.”
Gudoomiye Feysal Cali Waraabe ayaa ku duceystay in ilaahey tuso shacabka Somaliland oo gacmaha is-qabsaday, si ay isaga hor wareejiyaan Muuse Biixi oo hadda madaxweyne u ah.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe waxaa lagu yaqaan hadal adeega iyo in uu yahay siyaasi aan ka xishoon hadallada qaar oo wixii calooshiisa ku jira afka ka sheega xumaan ama amaan.

Like it? Share it!

Leave A Response