Sababta dib loogu dhigay Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka? {Akhriso:- }

by admin | Monday, Mar 29, 2021 | 338 views

Maanta ayaa loo balan sanaa in uu Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo Kulanka Golaha Shacabka oo aad loo hadal hayay, hayeeshee kulankaas dib loo dhigay.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Ajandayaasha Kulanka Maanta loo balansanaa ku sheegay Caabuqa COVID10 iyo u Codeyn 2 xubnood ee Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha,balse xalay xilli dambe ay shaaciyeen in kulanka dib looogu dhigay Maalinta Arbacada ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in sababaha dib Kulanka loogu dhigay ay tahay kadib wada-hadallo Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed ay la yeesheen Madaxweynaha muddo ileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo cadaadis ka yimid qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka oo ka cabsi qabay in khalalaaso siyaasadeed uu dhaco.
Qaar kamid ah Xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay in ujeedka Kulanka Golaha uu yahay in mudada loo kordhiyay hay’adaha dowladda, kuwaas oo Sabtidiii baajiyay Kulanka, hayeeshee Guddoonka Golaha Shacabka uu muddo 5 Kulan ah sheegay in aysan ka qeyb geli Karin 15 mudane, balse ay Go’aankaas qaadaceen

Like it? Share it!

Leave A Response