Gaari ciidan oo arday Iskuul jiiray magaaladda Muqdisho.

by admin | Tuesday, Sep 15, 2020 | 372 views

Wararka ka imaanaya Degmada Shangaani ee Gobolkaan Banaadir ayaa sheegayaan in halkaasi gaari ciidan uu ku jiiray carruur ka timid Iskuul.

Gaariga Ciidanka oo xawaare dheereeya ku socday ayaa wuxuu ku yimid carruurtaan oo laamiga goynaysa, waxaana halkaasi ka dhacay in cabdi bilaha uu jiiro carruurta.

Hal wiil ayaa goobta ku dhintay mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, waxaana maydka wiilka yar meesha ka qaaday Ciidamada Booliska Saldhiga Shangaani oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana socda Baaritaan ku aadan falka dhacay.

Lama oga inuu baxsaday gaarigii Ciidanka & in gacanta lagu haayo, balse goobta arrintaan ay ka dhacday ayaa ah agagaarka Xarunta dowladda hoose ee Xamar, halkaasi oo ay ku xiran yihiin Kaamirooyin wax duuba.

Gaadiidka Ciidamada ay wataan ayaa xilliyada ay marayaan wadooyinka Muqdisho, waxa ay ku socdaan xawaare dheereeya taasi oo xilliyada qaar sababi karta shil Khasaare gaysta.

Like it? Share it!

Leave A Response