Gar garkii baladweyne oo laboobay.

by admin | Thursday, Jun 15, 2023 | 155 views

Deeq raashiin ah oo ka timaaday Dowladda Sucudiga islamarkaan Maanta looga talagalay in loo qeybiyo 20,00 qoys oo kamid ah dadkii aay saameyen fatahaadaha Wabiga shabelle ayaa gabi ahaanba la boobay kadib markii Masuliyada daro dhanka maamulka aay timaaday.

Waxaa la sheegay in dhamaan raashinkaan la dhacay islamarkaan aysan helin dadkii masaakiinta ah ee looga talagalay aydoo maanta dhan dadkan qoraxada lagu haayay ayey hadane helin wax raashin markii si xoog ah looga qaatay.

Masuliyada Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Magaalada baladweyne ayaa la sheegay inay qorsho xumo sameeyen oo aysan ka fikirn halka dadkaas masaakiinta raashinkood aay si nabad ah ugu qaadan karaan.

Ilo wareedyo ayaa sido kale sheegaya inay dhowr qof oo shacab ah aay ku dhawacantay boobka raashinkan, Guddiga Gurmadka fatahaadaha Hir-shabelle oo masul ka ahaay maamulka iyo qaabeeynta waxii gargaar ah ayaa dhamaantood xamar iskaga laabtay aygoo an maalin wax gargaar ah bixin.

Like it? Share it!

Leave A Response