Xildhibaan Dhaashane oo shaaciyay ujeedka laga lahaa weerarkii lagu soo qaaday

by admin | Friday, Jun 16, 2023 | 174 views

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyey sida uu u dhacay weerar lagu soo qaaday.

Xildhibaanka ayaa habeenkii hore lagu weeraray hoygiisa caasimadda Puntland ee Garoowe, kadib markii uu maalin ka hor si kulul uga hadlay doorashada degmooyinka gobolka Nugaal.

Xildhibaanka oo hadlay ayaa sheegay inuu weerar ku socday muddo shan iyo toban daqiiqo ah, islamarkaana uu ku dagaalamayey dhagax maadaama uusan waardiye wadan isaguna hub sidan.

“Waxaan ka imid hoteel Martisoor kadibna waxaa iga soo raacay labo baabuur, markii aan usoo leexday xaafadayda gurigayga hortiisa marayey waxaa la igu horgooyey baabuur weyn oo daaqadu u furan yahay waxaana kasoo degay shan nin oo wajigu u xiran yihiin qoryana wata, shantaa nin waxaa daba taagna gaari kale oo gaarigayga lagu dabo gooyey oo afar nin oo kale saarnaayeen,” ayuu yiri xildhibaanka.

Waxa uu intaas ku daray “waxaa la igu billaabay xabad waxaa la damcay in gaariga xoog la igaga soo saaro, afar nin baa gaariga daaqadaha furtay, ninkii daaqadayda furay baan qoriga ku qabsaday markii aan ku qabsadayna nabarka dhaawaca ah baa isoo gaaray, ninkii kale oo i dhinac taagnaa baa qorigiisa wuxuu igala dhacay wajiga, nimankaasi waxay lahaayeen ma adiga dastuur furi kara oo isku dayi kara berri inaa dastuur furtid,” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane.

Weerarka lagu qaaday xildhibaan Dhaashane ayaa kusoo beegmaya iyadoo shacabka Garoowe dariiqyada ku arkayeen waraaqo digniina oo ka dhan ah inaan la furin dastuurka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response