Gobol ka tirsan dal Afirkaan ah oo laga Mamnuucay cuntista Hilibka Xoolaha

by admin | Friday, Jun 9, 2023 | 181 views

Gobolka Waqooyiga ee dalka galbeedka ku yaalla ee Ghana ayaa soo rogay mamnuucida hilibka sababo la xiriira cabsida cudurka Kudka.

Amarka soo baxay ayaa sheegaya in iibinta iyo cunista hilibka  muddo bil ah laga mamnuucay gobolka waqooyi ee Ghana, sababo la xiriira cudurka kudka oo ah mid dila xoolaha oo dalkaasi ka dillaacay.

Cudurka Anthrax waxaa keena  bakteeriyo aad loo kala qaado oo ku dhacda xoolaha oo sidoo kale u gudbiya dadka.

Xoolaha sida Lo’da, Idaha, Ariga, Doofaarka iyo Dameeraha, ayaa sidoo kale laga mamnuucay deegaanada Bariga Sare, si looga fogaado faafitaanka cudurka.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa ku raad jooga dadka la soo xiriiray waxaana sidoo kale sare loo qaaday dadaallada lagu talaalayo xoolaha si lacag la’aan ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.

Qof ayaa ilaa hadda u dhintay cudurkan, waxaana la diiwaan geliyay 13 xaaladood oo looga shakisan yahay. Waxaa jira tuhun ah in ay cuneen hilibka lo’ oo qabtay kudka.

Like it? Share it!

Leave A Response