RW ku xigeenka iyo wafdi uu horkacayo oo ka qeyb galay shirka COMESA

by admin | Friday, Jun 9, 2023 | 140 views

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia kaga qeyb galay shir-madaxeedka 22aad ee suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.

Shirka ayaa looga hadlayaa is-dhexgalka dhaqaale ee dalalka Qaaradda, kor uqaadidda ganacsiga gobolka iyo ajanyadaal kale oo muhiim u ah koboca dhaqaale ee dalalka ku midaysan dalladan.

Mudane Saalax Axmed Jaamac oo hadal ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda ka mid noqoshada suuqan iyo fursadaha ay u abuuri karto shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay in golaha Xukuumaddu ansixiyeen ku biiridda suuqa COMESA, iyadoo loo gudbin doono golayaasha sharci dejinta ee dalka si loo meel mariyo.

Somalia ayaa muddo dheer dedaal badan ugu jirtay sidii ay ugu biiri suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA taasoo ugu dambeyn suuragashay. lana ansixiyey.

Like it? Share it!

Leave A Response