Safiirka Mareykanka oo shaaciyey xog ku saabsan wixii ay isku qabteen Farmaajo

by admin | Wednesday, Jun 7, 2023 | 153 views

Safiirkii waqtigu ka dhamaaday ee Mareykanka u joogay Soomaaliya Larry André ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababtii uu uga hor yimid muddo kororsigii Farmaajo iyo waxa ka jira eedeyn ah in Mareykanku fashiliyey qorshii uu Farmaajo ku sii xukumi lahaa dalka.

Larry André oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in caqabadda kaliya ee Farmaajo qabsatay ay aheyd inuu ka talaabay dastuurka dalka, taas oo qad cagaaran uu ku tilmaamay.

“Cadaadisku wuxuu madaxweyne Farmaajo ka haystay dhinaca dastuurka, wuxuu aad ugu dib dhacay muddo xileedkiisii. Khad cas ayay u tahay Soomaaliya, baalmarista dastuurka, sababtoo ah waa dal tobanaan sano ku soo jiray fawdo iyo gacan ka hadal,” ayuu yiri danjire Larry André.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku doodi jiray inuu hir-gelinayo doorasho qof iyo cod ah, wxuuna baarlamaankii waqtigaas isku dayey inuu u kordhiyo muddo laba sano ah, balse waxaa ka dhashay gacan ka hadal, kadibna waxaa la aaday doorasho dadban.

Safiirkii Mareykanka u joogay xiligaas danjire Larry André, wuxuu wareysigaan ku sheegay in markii ugu horeysay uu Farmaajo bartay sanadkii 2020-kii, xiligaas oo Jabuuti uu ka ahaa safiir u jooga Mareykanka.

Larry wuxuu sheegay in xilligaas uu Farmaajo u tegay dalka Jabuuti inuu ka qeyb galo wadahadalladii ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo Somaliland oo Jabuuti ay marti gelisay.

Sanad kadib Larry waxaa loo soo magcaabay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, waxaana waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegay inay wada qaateen maalinkaas waqti is barasho oo ku filan, fikrado badana ay is dhafsadeen.

“Maalintaas waxaan Madaxweyne Farmaajo u cadeeyay in ay khatar tahay in la dhaafo muddo xilgeedka ku xusan dastuurka Soomaaliya” ayuu yiri danjire Larry André.

Diblomaasigaan wuxuu Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayuu ku amaanay, sidii uu u maareeyey doorashadii dhibka badenyd ee Soomaaliya.

“Waxaan arkaynay in ra’iisul wasaare Rooble uu sameynayay wax kasta oo uu karay, isagoo adeegsanaya awoodiisa, si uu u hormariyo hanaanka doorashada, inkasta oo aan la hadlaynay madaxweynayaasha dawlad goboleedyada, hadana waxaa lagu guuleystay inay doorasho dhacdo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Larry André.

Like it? Share it!

Leave A Response