Guddiga difaaca Baarlamaanka Kenya oo sheegay in shacabku doonayaan in Ciidankooda laga saaro Somaliya

by admin | Tuesday, Nov 20, 2018 | 794 views

Guddiga difacaa iyo arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Kenya oo todobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa Gobolka Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in ay ra’yi ururin ku sameeyeen Dadka degaanka.

Guddiga waxaa uu ku sheegay kulamo uu la qaatay Shacabka in ay uga soo baxday in dadka degaanka ay ku qanacsanyihiin darbiga laga dhisayo Sohdinta Kenya.

Waxaa kale oo ay sheegeen in Dadka degaanka ay doonayaan in Ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya islamarkaana lagu ekeeyo sohdinta si ay u sugaan amnigooda.

Guddoomiyaha Guddiga difaaca iyo xiriirka arrimaha dibadda Katoo ole Mitito,ayaa sidoo kale sheegay in shacabka ay dowladda dhexe weydiisteen magdhow laga siiyo khasaaraha ka soo gaaray weerarrada AL-shabaab ee ka dhaca Gobolka.

Kenya ayaa tan iyo 2015kii wadday dhismaha Darbi u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya,kaas oo mar halis geliyay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal kaddib markii qolada darbiga dhiseysa ay gudaha Soomaaliya soo galeen.

Sidoo kale Dhismaha Darbigan ayaa dhowr jeer hakad u galay dhaqaale la’aan iyo musuq lagu sameeyay miisaaniyaddii loogu talagalay.

Darbigan oo 700km gaaraya ayey Kenya ku sheegtay in ay ku dooneyso in ay ku hakiso weerarrada AL-shabaab ee Gudaha Kenya ka dhacan.

Like it? Share it!

Leave A Response