Xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo degmada Baladweyne oo xilka laga qaaday{Akhriso: }

by admin | Monday, Nov 19, 2018 | 788 views

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilka ka qaaday guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali iyo xoghayihii dowladda hoose ee Baladweyne Cabdixakiin Maxamuud Xassan.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Arwaax, xoghayaha dowladda hoose ayaa loo magacaabay cabdirisaaq Cali weerar.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale Cali Cismaan Maxamed u magacaabay madaxa samafalka iyo masiibooyinka degmada Maxaas.

Like it? Share it!

Leave A Response