Trump : Ma dhageysan doono cajaladda laga duubay Jamaal Khashoggi

by admin | Monday, Nov 19, 2018 | 1073 views

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in lala wadaagay macluumaad ku saabsan cod laga duubay dilka Jamal Khashoqji oo ahaa saxafi Sacuudiga u dhashay, balse wuxuu sheegay in isagu uusan si shaqsi ah u dhagaysan doonin.

“Waa duubid laga sameeyay sakaraad, waana arrin fool xun,” ayuu Axaddii ku yiri warbaahinta Fox News.

 

Hay’dda Sirdoonka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo CIA ayaa la sheegay in baaritaankii ay dilkan ku haysay ay ku soo gabogabaysay in awaamiirta khaarajinta uu bixiyay Amiirka dhaxalka Sacuudiga leh ee awoodda badan, balse Aqalka Cad ayaan wali arrintaas ayidin.

Dawladda Sacuudiga ayaa sheegashadaas ku tilmaantay been waxayna diiday in Amiin Maxamed uu wax ka ogaa dilka.

Khashoqji oo caan ku ahaa dhaliilidda dawladda Sacuudiga ayaa la dilay ka dib markii uu galay qunsuliyadda Istanbul labadii bishii Oktoobar isaga oo rabay in uu ka soo qaato waraaqo arooskiisa la xiriiray.

Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in dad aan anshax lahayn ay ka dambeeyeen dilka Khashoqji.

Xubno Aqalka Senetka Maraykanka ka tirsan oo taageersan madaxweyne Trump ayaa ku cadaadinaya in uu jawaab adag ka bixiyo, laakiin maadaama oo Sacuudigu uu yahay xulafo muhiim ah oo uu Bariga Dhexe ku leeyahay waxaa laga yaabaa in taasi ay keenayso in uu ka dhago-adaygo baaqyada loo soo jeedinayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan dhagaysan doonin cajalka, maadaama oo lala wadaagay dhammaan macluumaadka ku duuban.

“Wax kaste oo cajalka ku duubaan waan ogahay anoon dhagaysanin,” ayuu ku yiri warbaahinta Fox.

Dawladda Turkiga ayaa la sheegay in ay Maraykanka iyo xulafada kale ee reer galbeedka la wadaagtay cajalkan layaabka leh.

Intii uu waraysiga bixinayayna madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Maxamed Bin Salman uu u sheegay in uusan waxba ka ogayn dilka.

Trump wuxuu sheegay in laga yaabo in cidina aysan ogaanin cidda dilkaas ka dambaysay, wuxuuna farta ku fiiqay cunaqabataynnada uu Maraykanku saaray dadka lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilka.

“Iyadoo taasi jirtana iskaashi ayaan leenahay, waxaana doonayaa in aan garab istaago dal aan iskaashi leenahay siyaabo badanna u wanaagsanaa,” ayuu intaas ku sii daray.

Inkastoo Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA aysan si toos ah u sheegin in ay hayso caddaymo muujinaya in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu si toos ah ugu lug lahaa dilka, haddana waxay rumaysan tahay in dilkaasi uusan dhaceen haddii aan ogolaansho laga haysanin.

Balse wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa Sabtidii sheegtay in dawladdu aysan wali gabogabaynin baadhitaataannadii dilka lagu hayo, iyadoo ay wali jiraan “warar la isla dhexmarayo iyo kuwo aan laga jawaabin.”

Madaxweyne Trump ayaa ka hadlay waxyaabaha ay CIA ogaatay. Inkastoo waraysigan laga duubay ka hor inta uusan soo bixin warka sheegaya in la ogaaday natiijada baaritaankii ay CIA waday.

Madaxweynaha ayaase sheegay in qarka loo saaran yahay soo afjaridda baaritaanka.

“Labada maalmood ee foodda inagu soo haya waxaan heli doonnaa warbixinta oo dhamaystiran, waxayna u badan tahay Isniinta ama Talaadada” ayuu u ku yiri saxafiyiinta.

Lindsey Graham oo ah Senator xisbiga Jamhuuriga ka tirsan isla markaasna ay xulafo yihiin Trump ayaa sheegay in uusan rumaysnayn diidmada amiirka dhaxalka leh.

“Haddii uu doonayo in uu noqdo wajiga Sacuudi Carabiya hoggaaminaya, waxay ila tahay wakhti adag ayaa sugaya boqortooyada marka ay timaaddo masraxa caalamka,” ayuu yiri isaga oo la hadlaya warbaahinta NBC.

Like it? Share it!

Leave A Response