Guddiga la dagaalanka maalgalinta argigixisada oo sheegay in la daciifiyay awoodda Alshabaab

by admin | Sunday, Jul 30, 2023 | 179 views

Guddigan Qaran ee la dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga maalgelinta argagaxisada ayaa sheegay in la daciifiyey awooddii Alshabaab u lahaayeen urursiga lacagaha baadda ah iyo boobka ay ku hayeen ganacsatada, sida ay sheegeen guddigu.

Hadalkan ayay guddigu ka sheegeen kulan ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kaasoo guddigan ka dhageystay warbixin ku saabsanayd miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab in uu leeyahay saddex furimood oo isbarbar socda kuwaas oo kala ah; furinta dhaqaalaha, tan fikirka iyo dhanka milatariga.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aan laga xoreyn karin dalka haddii aan guul wadajir ah laga keenin furimahaas isku sidkan.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli dhaqdhaqaaqyada Alshabaab ay sii kordhayaan, dowladduna lagu eedeynayo inay wax ka qaban weyday weerarada Alshabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response