Nin doonayay inuu oohin ku noqdo caan oo si lama filaan ah aragga u beelay !

by admin | Saturday, Jul 29, 2023 | 233 views

Wuxuu doonayay inuu muddo 100 saacadood oo xiriir ah ooyo ama ilmeeyo si uu rikoor cusub uga dhigo Buugga Dhacdooyinka Dunida ee GBWR. Laakiin markii uu marayay daqiiqadii 45aad wuxuu si ku meelgaar ah u lumiyay nuurka ama iftiinka aragga. Ninkan oo u dhashay Nigeria, wuxuu ku qasbanaaday inuu hakiyo isku daygiisa oo loola degdego isbitaal si loogu soo dabiibo.

Madax xanuun, weji barar iyo indhaha oo qod kusii dhacay ayuu arkay markii uu sii waday inuu ooyo ama is ilmeysiiyo. Laakiin midda ugu xanuunka badan waxay tahay markii uu si ku meelgaar ah nuurka aragga u lumiyay oo uu indhoole noqday.

In kasta oo sidii uu rabay aysan u noqon, haddana ninkan oo la yiraahdo Daniel wuxuu helay hadalheynta qaran ee bulshadiisa, wuxuuna si fudud ku noqday caan caan dhalay oo magaciisa la sheegsheego.

Dad ka aragti dhiibtay sheekadiisa ayaa siyaalo kala duwan uga falceliyay kuwaas oo si kajan leh ugu xifaalinayay isku daygiisa lama filaanka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response