Wararkii Ugu dambeeyay Xiisad dagaal oo ka Taagan Magaalada Baladweyne,

by admin | Saturday, Jul 29, 2023 | 234 views

Xiisad dagaal ayaa Manta ka taagan Xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan kadib markii Ciidamo hubeeysan ay bar-koontarool oo cusub ay ka sameeysteen Xaafadan.

 

Ciidamadan ayaa sheegay in ay gaadiidka ka qaadayaan Canshuur Cusub, waxaana Ciidamadan hogaaminayo Cabdimaalik maxamed aamin oo dhawaan Cali jeeyte Cismaan u magacaabay Kastamka Canshuurta lagu qaado ee Xaafada Howl-wadaag.

Ciidamada amaanka ayaa ku baxay Koontaroolkan cusub oo la dhigay Xaafada howl-wadaag , waxaana halkaasi ka dhacay iska-horimaad kooban. Dadka deegaanka ayaa Hiiraanweyn usheegay in dagaal kooban uu ka dhacay xaafada .

hal qof ayaa ku dhawacmay dagaalka sida ay dadka deegaanka  u sheegeen warbaahinta .

Ciidamada amaanka ayaa ku guuleeystay in ay soo daayan gaadiid badan oo halkaasi ku xayirnaa manta.

 

Odoyaasha dhaqanka Xaafada howl-wadaag ayaa sidoo kale ku baxay joojinta xiisadan dagaal , waxaana lagu guuleeystay in xaalada ay dajiyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response