Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in saraakiil badan loo xiray weerarkii ka dhacay xerada Jaalle Siyaad

by admin | Saturday, Jul 29, 2023 | 227 views

Wasiirka gaashaanhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay, in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhawaan ka dhacay xerada Jaalle Siyaad ay dowladdu saraakiil badan u xirtay.

Wasiirka gaashaandhigga oo hortagay baarlamaanka, ayaa sheegay in baaritaanno ay ku socdaan saraakiil badan oo loo xiray masuuliyadda weerarkan, iyo kuwa kale oo uu sheegay inay ku socdaan su’aalo weydiin.

Wasiirka waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in ciddii weerarkaas ku lug lahayd ay Dowladda gacanta kusoo dhigto, isagoo sheegay in weerarkaas uu ahaa dhacdo xanuun badan ku reebtay Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu wasiirku beeniyay in dowladdu ay diidan tahay in la ogaado xogta weerarka, isagoo ballanqaaday in marka uu dhamaado baarista la wado ay Dowladda si rasmi u shaacin doonto macluumaadkiisa iyo cidda ku lugta lahayd.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii xerada Jaalle Siyaad uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo lala beegsaday ciidamo katirsan guutada 14 actobar.

Weerarkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 askari ayaa su’aallo la iska weydiinayaa sababta ay ku suurto gashay in qof ismiidaamiye ah uu gudaha u galo, iskuna qarxiyo ciidanka.

Saraakiil katirsan nabad sugidda iyo milatariga ayaa loo xiray inay ku lug leeyihiin weerarkan.

Like it? Share it!

Leave A Response