Guddiga xallinta Khilaafaadka oo soo saaray Habraaca soo gudbinta Dacwooyinka Golaha Shacabka

by admin | Monday, Nov 1, 2021 | 250 views

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa Maanta soo saaray Habraaca soo Gudbinta Dacwooyinka Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Gudiga ayaa waxaa lagu sheegay in gudiga xalinta khilaafaadka oo fulinya heshiiskii 17-kii September & habraacii 1-dsii Octoober ee lagu dhisay Guddiga xalinta khilafaadka & warmurtiyeedkii kasoo baxay Golaha wadatashiga Qaran 21-22 Bishii Agoosto in uu mas’uul ka yahay u garnaqida iyo cabashooyinka ay soo gudbiyaan ergooyinka &  musharixinta ay si toos ah u saameyso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada, sidoo kalena uu awood u leeyahay in uu go’aamiyo muranada lagu diido go’anada ay gaareen gudiyada labada heer ee ku aadan kala Shaandheynta ergooyinka & musharixiinta ku tartamaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad.

Guddiga ayaa shaaciyay in uu la wadaagayo musharixiinta, Codbixiyeyaasha & dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka habraaca soo gudbinta dacwooyinka Golaha Shacabka, kuwaas oo kala ah.

Cidda Dacwou  Soo Gudbin karta Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Waxaa dacwo u soo gudbisan kara Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban

Ergooyinka, Musharaxiinta, oo ay si toos ah u saameeyso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada.

Waxaa kale oo dacwo soo gudbisan kara wakiilada dhaqanka iyo xubnaha bulshada rayidka ah ee loo aqoonsadey in ay ka mid yihiin Guddiga soo xulista ergada. Shuruudaha looga Baahan yahay soo Dacwoodaha;

Waa in uu ka mid yahay xubnaha xaqa u leh in ay soo dacwoon karaan ee kor ku xusan.

Waa in uu soo gudbisto codsiga dacwada oo qoraal ah, kuna soo lifaaqo galka cabashadiisa/deeda waraaqda rasidka bixinta lacagta diiwaangalinta dacwada oo dhan $3,000 (sadex kun oo doolar), kuna soo shubaa xisaabta bangiga (Account Number) loo asteeyay ee hoos ku xusan.

Waa in uu soo buuxiyo foomka diiwaan galinta dacwada Doorashada ee Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020-2021.

Muddada Soo Gudbinta Dacwooyinka;

Cabashooyinka la xiriira Guddiga soo xulista ergada (odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka) waxaa lagu gudbinayaa 3-maalmood gudahood oo ka bilaabanaysa marka la shaaciyo liiskooda.

Cabashooyinka la xiriira diiwaangalinta ergooyinka, hab quybsiga iyo kala shaandheynta ergooyinka waxaa lagu soo gudbinaya 3-maalmood gudahood oo ka bilaabanysa marka la shaaciyo liiska ergada kursi kasta.

Cabashooyinka la xiriira diiwaangalinta musharixinta iyo ku dhawaaqida liiska

Musharixiinta waxaa la soo gudbinayaa marka la shaaciyo liiska musharixiinta kursi kastaoo ah ka hor 48 saac xiliga doorashada kursigaas.

Marka la qabto doorashada kursi kasta waxaa lagu gudbinayaa cabashooyinka la xiriira natiijada doorashada kursigaas 3-maalmood gudahood oo ka bilaabaynaysa marka lagu dhawaaqo natiijada horudhaca ah ee kurkigaas.

Xafiiska lagu soo Hagaajinayo Dacwooyinka:

Dacwooduhu waxuu cabashadiisa ku soo hagaajinayaa xafiiska Guddiga xallinta khilaafaadka ee degaan doorashadda kursiga cabashadu ka jirto

Muddada baaritaanka iyo Go’aan Ka Gaarista Dacwada:

Guddigu waxa uu ku dhameystirayaa go’aaminta cabashado kasta oo rasmi ah muddo todoba (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta cabashada loo soo gudbiyey si dhameystiran.

Guddigu wuxuu go’aannada cabashada ugu gudbinayaa soo dacwoodaha muddo 24 saacadood gudahood ah marka go’aanka la gaaro Sido kale Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020-2021 wuxuu go’aanada lawadaagayaa Golaha Wadatashiga Qaranka, Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dawlad Goboleed (SEIT), iyo Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (FEIT), iyo dhamaan Daneeyayaasha Doorashada Dadban ee 2020-2021.

Like it? Share it!

Leave A Response