Guddoomiyaha Aqalka sare & Siyaasyiin qoraal diidmo ah soo saaray{AKHRISO}

by admin | Thursday, Dec 24, 2020 | 397 views

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiinta dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa kasoo horjeestay Jadwalka doorashooyinka oo ay xalay soo saareen guddiga lagu mursan yahay ee doorashooyinka Qaranka.

Qoraal ay siwadajir ah u soo saareen guddoomiye Cabdi xaahsi & Siyaasiyinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi ayaa waxaa lagu sheegay inay si adag u diidan yihiin jadwalka doorashada ee ay soo saareen Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay,I sla markaana guddiga uu yahay mid ku yimid sifo aan sharci aheyn lagana filan Karin doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in ay cadeynayaan in guddiga doorashada ay dowladda wadatashi la’aanta ku magacaawday kuna jiraanx ubno laga soo xulay, NISA, Shaqaalaha dowladda iyo taageerayaasha Madaxweyne farmaajo aysan aban Karin doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiinta dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegeen inay ka digayaan khataraha ka dhalan kara qabashada doorasho aan hehsiis lagu aheyn.

Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Dowlad Goboleedyada, musharixiinta Madaxweynaha, siyaasiyiinta, dhaqanka, bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka in la joojiyo qabashada doorashada aan Guddiyada iyo habraacyadeed hehsiis lagu aheyn, isla markaana aan si siman dalka uga qabsoomeyn.

Like it? Share it!

Leave A Response