Guddoomiyaha Gobolka Hiiran oo baaq u diray Booliska AMISOM

by admin | Friday, Jun 7, 2019 | 728 views

Xilli shalay Magalada Baladweyne laga dhagax-dhigay dhismaha Saldhig ay ku Shaqeyn doonaan Booliska Hir-Shabeelle ayaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan waxaa uu baaq u diray Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM ee ku sugan Magalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar( Dabageed) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saldhigyada ay horay Baladweyne uga hirgeliyeen Booliska AMISOM uu uga mahad celinayo,hayeeshee uu ka dalbaday in Afarta xaafadood ee Magalada Baladweyne ay saldhigyo kale ka dhisaan.

Waxaa uu sheegay in saraakiisha Booliska AMISOM ee ku sugan Magalada Baladweyne ay horay ugu direen codsiyo kala duwan,isla markaana ka maamul ahaan ay ka sugayaan inay ka helaan jawaab deg deg ah.

Like it? Share it!

Leave A Response