Somaliland oo Ciidamo dheeraad ah geystay Sool iyo Sanaag

by admin | Thursday, Jun 6, 2019 | 718 views

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland,waxaana la sheegay in ciidankaan ay fulin doonaan Amar kasoo baxay Somaliland oo ahaa soo qabashadda Saraakiishii ku biirtay maamulka Puntland.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo wata gaadiidka dagaalka ay tageen degaanada,Yubbe, Hadaaftimo,Damal-xagarre  iyo deegaano kale,waxaana ay kusi jeeddaan degaanadii dhawaan ay Ciidanka goostay ay ku sugnaayeen.

Qaar ka mid ah dadka degaanadaasi ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadaas ay yihiin kuwo hor leh, ayna ka cabsi qabaan dagaal dhexmara Puntland iyo Somaliland.

Ciidamada ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wada degaanada Yubbe Hadaaftimo iyo Damal-xagarre ,waxaana dadka deegaanadaas ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in lagu dagaalamo dushooda,isla markaana ay khasaaro kasoo gaarto.

Like it? Share it!

Leave A Response