Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland: “Xaaladda ka taagan Laascaanood waa mid ka dhalatay Dayaca Xukuumadda Biixi”.

by admin | Monday, Jan 2, 2023 | 106 views

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland: “Xaaladda ka taagan Laascaanood waa mid ka dhalatay Dayaca Xukuumadda Biixi”.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in ay qaadaneyso mas’uuliyadda xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Cabdirisaaq ayaa sheegay in siyaasad xumada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi & maamulka ugu magacaabay Gobolka Sool iyo Magaalada Laascaanood ay horseedday in dad badan dhibaato soo gaarto.

Waxa uu sheegay in ciidamo Militari ah la dul dhigay Dadka iyaga oo dhibaatooyin xooggan u geysanaya balse nasiib xumo aanay jirin mas’uul katirsan Xukuumadda oo u istaagay sidii xal loogu heli lahaa shacabkaan xaaladda amni darro ka kacay ee xabadda lagala hortagay.

“Xaaladda ka taagan Laascaanood waa mid ka dhalatay dayaca Xukuumadda & Maamulkeeda ah maadaama dad badan oo indheer-garad ah oo lagu dilay Magaaladaas ay wax ka qaban waysay, Ciidamo Militari ah ayaa loo adeegsaday Shacabka dibadbaxaya aad ayaan uga xumahay, waxaa intaas dheer hadallo kale oo qadaf ah oo keenay in ay Dadku kacaan” Cabdirisaaq Khaliif Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.

Somaliland ayaa xayiraad gaar ah saartay Magaalada Laascaanood oo 9kii cisho u dambeeyay ay ka dhacayeen dibadbaxyo sababay dhimasho, dhaawac, Khasaare maaliyadeed & caburin lagu hayo Shacabka Magaaladaas.

Like it? Share it!

Leave A Response