Putin oo Casuumaad u fidiyey Madaxweyne dib loo doortay

by admin | Monday, Jan 2, 2023 | 230 views

Madaxa Aqalka Senate-ka ee Federalka Raashiya, Valentina Matviyenko ayaa la sheegay inay Madaxweynaha cusub ee dalka Brazil, Luis Inácio Lula da Silva u gudbisay Dhambaal Qoraal Casuumaad ah oo ay ka waday Madaxweyne Vladimir Putin.

Warbaahinta Raashiya waxay shaaciyeen in Casuumaada loo gudbiyey Madaxweynaha cusub ee Brazil, Luis Inácio Lula da Silva isla Munaasabadii loogu caleema-saaray Xilkaasi.

Madaxa Aqalka Senate-ka Raashiya, Valentina Matviyenko waxay kaloo xusay inay Fariin ay ka waday Madaxweyne Putin u gudbisay Madaxweynaha Xurmadda badan ee Brazil, Luis Inácio Lula da Silva iyo inay u xaqiijisay inay ka wada sugayaan Madaxweynaha cusub inuu booqasho ku tago magaalladda Moscow sida ugu dhaqsaha badan oo Qorshihiisa Shaqo u saamaxdo.

Waxay kaloo xusay in Ka-qeybgalka Wafdiga Raashiya ee Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Brazil tahay Astaanta Xushmadda iyo Calaamadda inay Raashiya danaynayso in la sii wado horumarinta Xiriirada labada Waddan iyo shacabkooda.

Like it? Share it!

Leave A Response