Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland oo Laasacaanood u tagay xallinta colaad Beeleed

by admin | Monday, Sep 10, 2018 | 1067 views

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Somaliland ayaa magaalada Laasacaanood ee Xarunta Gobolka Sool u tagay xallin colaad Beeleed ka taagan Gobolka.

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo ay la socdaan labo Wasiir iyo xubno ka mid ah Xukuumadda Somaliland kana soo jeeda Gobolka Sool,ayaa isku dayaya wax ka qabashada colaadda u dhaxeysa labada beelood.

Baashe Safarkiisa waxaa ku wehliya Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore iyo Wasiirka Waxbarashada Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), iyo xubno kale kuwaas oo Xalay habeennimo ka soo baxay Hargeysa.

Colaadda labada Beelood oo soo cusboonaatay todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 10 Qof,waxaana ku dhaawacmay tiro kale.

Dhawaan ayey Xukuumadda Somaliland oo kaashaneysa Odayaasha dhaqanka soo afjartay colaad labo Sano ka socotay Degaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag una dhaxeysay labo Beelood oo walaalo ah.

Like it? Share it!

Leave A Response