Kulanka labada aqal ee Baarlamaanka Somaliya oo maanta furmaya

by admin | Monday, Sep 10, 2018 | 1057 views

Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulanka 1aad ee Kalfadhiga 4aad ee labada aqal.

Labada Baarlamaan ayaa fasax ahaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay,waxaana lagu wadaa in maanta uu furo Madxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulanka maanta ayaa ah kaliya furitaan waxaana khudbad ka jeedin doona Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo,waxaana kaddib labada aqal midkasta ku shaqeyn doonaa xaruntiisa.

Kulanka furitaanka labada aqal ayaa badanaa ka dhaca Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho,maaddaa XIldhibaannada labada aqal ay tiro ahaan gaarayaan 330 xubnood.

Furitaanka Kalfadhiga4aad ee labada aqal ayaa la filayaa in uu dhoco marka ay saacaddu tahay 9:00AM ee Subaxnimo.

Like it? Share it!

Leave A Response