Jubbaland oo hakisay wada shaqeyntii ay la laheyd hay’adaha dowladda

by admin | Monday, Sep 10, 2018 | 867 views

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa wuxuu sheegay inay hakiyeen xiriirkii wada shaqeyneyd ee ay la lahaayeen hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxa ay timid kadib shirkii Sabtidii ina dhaaftay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbalada Hoose, kaasi oo ay yeesheen madaxda dowlad goboleedyada oo sheegay inay hakiyeen xiriirkii dowladda.

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Axmed Xasan ayaa waxa uu sheegay inay hakiyeen dhamaan wada shaqeyntii hay’adaha dowladda ay la lahaayeen, kadib qoraal ka soo baxay xafiiskiisa.

“Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa fartay dhammaan hay’adaheeda dawligga ah in la hakiyo wada shaqayntii ay la lahaayeen hay’adaha iyo Wasaaradaha dowladda federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hortagaya inuu sii xumaado xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa 17 ilaa 18 bishan shir deg deg ah isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada, si looga xaajoodo tabashooyinka ay qabaan.

Dadka siyaasadda aadka u falanqeeya ayaa Madaxweynaha Jubbaland ku eedeeyay in Jubbaland uu ku ridayo god dheer oo shacabkeeda dhibaato u keenaya, maadaama marba marka ka dambeysa uu soo saarayo go’aano ay haboon tahay in laga wada tashado.

Like it? Share it!

Leave A Response