Guddoomiye Aqalka Sare oo kasoo horjeestay Go’aankii Golaha Shacabka kuna eedeeyay Mursal

by admin | Thursday, Apr 15, 2021 | 300 views

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in xeerkii uu Golaha shacabka ee Aqalka Hoose ku ansixiyay muddo kordhinta dowladda ahaa mid aan waafaqsaneyn dastuurka oo ay ahayd in lasoo mariyo Aqalka Sare.
Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu sidoo kale guddoomiyaha ku xaqiijiyay in xiriirka ka daxeeya isaga iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka uusan wanaagsaneyn.

“Qodobka 55-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ku meel gaarka ah ayaa sheegaya inuu baarlamaanka Soomaaliya ka kooban yahay labo aqal oo kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. Waxaan idiin sheegayaa in sharci kasta oo baarlamaanka Soomaalida sameeyo waa inay labada aqalba ansixiyaan, Markii ay labada aqal ansixiyaan waa inuu madaxweynaha u tagaa oo uu saxiixaa,” ayuu yidhi Cabdi Xaashi.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in “hal aqal uusan gaar u lahayn inuu sharci kaligiis ansixiyo”.
Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in isaga iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka aysan isku wanaagsaneyn.
“Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka xiriir fiican hadda kama dhaxeeyo waxaana u sabab ah qodobo sharci gaf ah oo guddoomiyahaasi uu sameeyay ayaan anigu…. waayo sharci baan ku shaqeynaa sharci gaf uu ku shaqeynayo, dee ma jiro, ayuu yidhi.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Hal midna ogaada, Dastuurku ma siinayo baarlamaanka inuu kororsiimo sameysto ama u sameeyo madaxweyne, iska daa inuu hal Aqal taas sameeyee labada Aqal xitaa xaq uma laha.”
Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxweynaha dowladda federaalka ayaa horay isugu khilaafay mid ka mid ah qodobbada lagu murmay ee ku saabsan doorashada, kaasoo la xiriira hannaanka doorasho ee gobollada waqooyi.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qalinka ku duugay qaraarka Golaha Shacabka ee labada sano loogu kordhiyay xilka inkastoo ay tallaabadaas si aad ah uga soo hor jeesteen mucaaradka iyo qaar ka mid ah dalalka beesha caalamka.

Like it? Share it!

Leave A Response