Hadal heyn ka dhalatay Haweeney Soomaaliyeed oo Eey kala soo degtay garoonka Muqdisho

by admin | Wednesday, Sep 20, 2023 | 87 views

Baraha bulshada waxaa saacadihii lasoo dhaafay qabsaday muuqaal kooban oo laga soo duubay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, muuqaalkan ayaana laga dhax arkayay haweeney Soomaaliyeed oo garoonka kasoo degtay iyada oo eey wadata.

Muuqaalkan baraha bulshada lagu baahiyay ayaa dhaliyay falcelino kala duwan, waxaana inta badan dadka Soomaaliyeed dhaliileen kana soo horjeesteen hab-dhaqanka haweeneydan eeyga qurbaha kala timid.

Inta badan dadkii ka fal-celiyay muuqaalka ayaa sheegay in aysan sax aheyn in eey qof Muslim ah uu wato, waxa ayna haweeneydan ku tilmaameyn mid dhaqankii Soomaaliyeed iyo tii diinta Islaamka meel iska dhigtay.

Waxaa sidoo kale jiray dad kale oo iyana taageero iyo garab istaag u muujiyay haweenreyda eeyga wadatay, waxa ayna dadkan sheegayeen in il-baxnimo xumo tahay in lagu mashquulo haweeneyda eeyga wadatay.

Dad kale ayaa iyana sheegay in suurto gal tahay in dano gaar ah u wadato haweenreydaasi eeyga, halka dadka qaarna qiil ka dhigeen in suurto gal tahay gabadha Soomaaliyeed in ay arraga la’dahay oo eeyga usoo wadatay in uu hoggaamiyo.

Si kastaba arrintan ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayay saacadihii lasoo dhaafay, waxa ayna arrintan noqoneysaa markii ugu horeysay oo la arko qof qurbaha kasoo laabtay oo eey usoo watay gudaha Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response