Xildhibaan Saabir Shuuriye: “100 wiil oo deegaanka ah ayaa laga rabaa reer Camaara si ay wax uga xorreeyaan deegaannadooda”

by admin | Wednesday, Sep 20, 2023 | 152 views

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka hadlay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ eek a socda Deegaannada dhaca Koofurta Gobolka Mudug ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa ku baaqay in la dardargeliyo howlgalladaas.

Saabir ayaa Odoyaasha Camaara ka dalbaday in ay dagaalka kusoo biiriyaan 100 wiil oo deegaanka ah oo aqoon u leh Magaaladaas si ay kaalin firfircoon uga qaataan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee deegaannadaas ka socda.

Shuuriye ayaa tilmaamay in deegaanno badan dadka degen ay ka qaybgaleen dagaalka dib ‘AS’ looga qabsanayo deegaannada ay joogaan sidaas awgeed reer Camaara looga fadhiyo in kaalintooda ay kasoo baxaan waa sida uu hadalka u dhigay.

“Nabadoonnada waxa aan ka rabnaa 24ka soo socda 100 wiil oo mujaahidiin ah in aad reer Camaara ka keentaan, boqol wiil oo farta ka xiran oo aad taqaanaan iyo hubkooda oo hoggaamiya howlgalka dib u xorreynta, ciidamadaan dhul dheer ayay ka yimaadeen, waxaa la rabaa in deegaanka inta ka harsan ayay xorreyntooda hoggaaminayaan” Xildhibaan Saabir Shuuriye.

Howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Dowlad-Goboleedka Galmudug gaar ahaan deegaannada dhaca Koofurta Gobolka Mudug ayaa dardar ku socday maalmihii u dambeeyay, xubno heer federaal & heer Dowlad-Goboleed ah ayaa dagaalkaas qayb ka ah.

Like it? Share it!

Leave A Response