DG Jubbaland oo dalbatay in la garab istaago ciidamada ku jira howlgalka ka dhanka ah ‘AS’.

by admin | Wednesday, Sep 20, 2023 | 108 views

Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa dalbatay in garab istaag loo muujiyo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ Kawada deegaannada maamulkaas.

Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamadu ay ku howlan yihiin howlgalladaas oo deegaanno badan ‘AS’ ay ku sugnaayeen looga qabsaday, qorshaha ayaa ah in adeegyada muhiimka u ah Bulshada laga hirgeliyo waa sida hadalka loo dhigay.

Taliyaha guutada labaad ee Ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland Gaashaanle Sare Aar Sheekh Cali ayaa dhanka kale waxa uu dhalinyarada katirsan ‘AS’ ugu baaqay in ay isasoo dhiibaan kana faaiideystaan fursadaha horyaalla.

Shacabka ayuu usoo jeediyay in ay garab istaagaan Ciidamada Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee howlgallada xooggan kawada dhulka baaxadda weyn sida uu yiri.

Like it? Share it!

Leave A Response