Soomaaliya oo 5 Milyan oo Gini ka heshay UK si loogu xoojiyo ciidamada ammaanka

by admin | Wednesday, Sep 20, 2023 | 111 views

Dowladda Soomaaliya ayaa lacag dhan 5 milyan oo gini ka heshay dowladda Ingiriiska, iyadoo loosoo marsiiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), si ay ugu taageerto ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaalka xooggan ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Lacagtan ayaa lagu shaaciyay kulan dhex maray La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh.

Labada la taliye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin la dagaallanka Alshabaab, horumarinta laamaha amniga, qaadista cunaqabateynta, iyo iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo UK.

Maalgelintan ayaa qeyb ka ah deeqaha joogtada ah ee UK ay ku bixiso amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyadoo loo sii marinayo Sanduuqa Trust Fund ee UNSOS, kaasoo taageero siiya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Lataliyaha Amniga Qaranka UK Dame Sarah MacIntosh ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda taageeradan maaliyadeed ay u leedahay raadinta nabadda Soomaaliya.

“Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya waxa uu muhiim u yahay xasilinta iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka,” ayay tiri Ms. Sarah MacIntosh.

Waxay ku celisay sida ay uga go’an tahay Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska inay taageero ballaaran u fidiso dowladda Soomaaliya si loo xasiliyo goobihii dhawaan la xoreeyay.

“Ingiriisku wuxuu sii wadi doonaa taageerada dadaallada ay Soomaalidu hormuudka ka tahay ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida meelaha dib loo qabsaday ee dalka,” ayay hadalkeeda ku dartay.

Like it? Share it!

Leave A Response